XANAAQ MISE XIKMAD?
KU: Maamulka gobolka Banaadir
Intii ay socdeen howl-gallada uu sameynaayay maamulka gobolka Banaadir ee lagu beegsaday goobo iyo dad la yiri waxay ku jireen fasahaad, waxaan is weydiinaayay sidee wax u socdaan?
Sababtuna waxay tahay in maamulka – oo aan kala bar ama ka badan saaxiib iyo macrifo nahay waxaan ka filaayay meeshaas meel ka sarreysa.
Fal celinta laga bixiyay arrintaan aad ayay u kala duwaneyd. Qaar si xamaasadeysan u ayiday, qaar diiday oo cambaareeyay, iyo qaar kale oo yiri sidan si ka roon ayaa loola dhaqmi karay, iyo kuwo kale oo mowjadda fuulay oo si munaafanimo ah u hadlay.
Qof walba waa u xor ra’yigiisa, laakiin aniga su’aalahan ayaan u jeedinayaa maamulka gobolka banaadir.
3. Muuqaallada bannaanka u soo baxay ma ahaayeen kuwo wanaagsan oo sawir fiican ka bixinaaya hab-dhaqnka madaxdeenna iyo maamulkeenna?
4. Maan-dooriyuhu intee ka billowdaa, inteese ku dhammaadaa? Wax sharci ah oo nooga yaalla ma jiraan?
5. yadoo ninkii soo dajiyay oo canshuurta laga qaaday uu baladka iska dhax mushaaxaayo, asagoo waliba jeebkiisu buuxo, kii ka gatay ee cunayna in ul lagala kor dhoco sidaasi caddaalaad ma tahay? in asalka laga soo billaabo ma ahaynoo?
6. Waxyaabaha kale ee dadka qaar ku jukaacsadaan sida; qaatka, shiishadda, tubaakada, sigaarka, iyo cabitaannada qaarkood, iyagana sharci diineed iyo mid qaanuun oo la isla oggol yahay ma nooga yaallaa? Mise qof walba sida uu doono ayuu u dhigaa oo uu waxa uu neceb yahay ku calaamadiyaa?
7. Yaa loo raacanayaa hantidiu ku burburtay howlgallda la fuliyay iyo kuwa la fulin doono sida la sheegay, maaddaama handidu ayasan dambi galin dadkii iska lahaa wax laga yiraahdaba?
8. Culumadeenna la soo boodday xadiithka Abuu Saciid Alkhudri , ee shirka jaraa’id u soo saftay, ma iska himliyeen sida wax u jiraan? mise xanaaqooda ayay cabbireen iyaguna sida maamulka Gobolka oo kale?
9. Haddii munkar la suulinaayo, dariiqo loo maro sow ma jirto, mise waa jaantaa rogan oo waxaan noqoneynaa qof iyo ul oo meel kastaba qabshaxda ku wadeynaa?
10. Magaaladan waxaa ka jira fasahaad ka weyn kan hadda la sheegaayo, walibana waxaa geed fadhi u ah dad waaweyn oo magac iyo manaasib leh oo aan cidna juuq u dhihin, oo falaadka labadaan bari lala xarbinaayo uu licib saqiir yahay ee kee habboon in si sax ah loo abbaaro?
11. Ciidamada Anshaxa ee la yiri waa la sameynayaa , amey uga daraan xaalka? Waa iga su’aal. Haddii mid walba inta daabkiisa soo qaato aw dadka kala dhax kaco sow ibtilo ma noqoneyso, isagoo isu heysta inuu anshaxa toosinaayo?
Gabagabadii, Maamulka Gobolka Banaadiroow, walaalayaalow waxaa habboon inaad XIKMAD nagu dhaqdaan halkii XANAAQ nagu dhaqi laheydeen.
Waxaan aaminsanahay in niyaddiinu fiican tahay, balse niyaddaas wanaagsan waxay rabtaa in fulinteeda xikmad iyo naxariis la socdaan si aad u kasbataan qalbiyadeenna iyo maskaxdeenna.
Guuleysta