Jikada iyo Ragga Soomaalida: Maxaa qasbaya in gabadhaha lagu kaliyeelo howsha jikada?

Ragga Soomaalida intooda badani war uma ahayaan waxa ka socda jikada guryahooda. Waxaa la dhihi karaa; in kasta oo ay jikadu tahay buqcada ugu muhiimsan guriga, marka loo eego nolosha qoyska iyo caafimaadkooda, haddana waa meesha ugu yar ee ragga Soomaalidu lugahooda geeyaan.

Marka ragga Soomaalidu ay subaxdii ka kallahayaan guryahooda, iyo marka ay kusoo laabtaan labadaba, waxay jecel yihiin in ay afka wax ku dhuftaan, haddana iskuma mashquuliyaan waxa ka socda meesha ay ka yimaadaan ee ah jikada.

Waa arrin loo nisbeyn karo dhaqnka Soomaalida oo asalkiisu miyi kasoo jeedo, cunto karintuna ay ahayd howl u taalla dumarka, ha noqdeen hooyooyinka, gabdhaha la dhalay, iyo xassaska ahba. Dhaqankaas, waa ku ceeb ragga iney meesha cuntada lagu kariyo ay u dhawaadaan, haddii aan duruufi kallifin.

Markii ay magaalooyinku cammirmeen, dhaqankaasi halkii ayuu kasii socday. Way tar tahay in nin Soomaaliyeed uu jikada galo si caadi ah, isagoo qasadkiisu yahay inuu reerka cunto u kariyo.

Xataa ragga aan xaasaska lahayni, waxey door bidaan iney maqaayadaaha ka soo cunteeyan oo ay lacag badan ku khasaariyaan halkii ay cunto kharashkeedu yar yahay ku karsan lahaayeen guryha ay deggan yihiin.

Kaliya, ragga qaarkood ee ku nool qurbaha siiba waddamada yurub iyo Mareykanka, ayaa u dhaadhacay jikada duruuf kasta oo keentaba. Waana kuwa kaliya ee kugu marti-soori kara cunto ay soo kariyeen marka aa u soo martido. Sidoo kale ardayda waddamada dibadda wax ku bartay qaarkood ayaa jikada dani bidday, oo wax ay qoosheen ku siin kara marka aad booqasho ugu tagto.

Fikrika nafsi ahaan ay raggu ka haystaan jikada waa mid iska hor imaanaya . Waa mare, waa meesha nolosha gurigu ku xiran tahay oo cunto macaan oo kala duwan laga sugo intii ay la ekaataba, haddana isla markaas waa meel aan lugaha ragga loo quurin oo wasakh ah, ayna kaa soo raaci karto markaad gasho ur aan fiicneyn ama dharka uu firir kaa gaaro, dumarka ku jiraana ay u qaataan calallo dhaaraan ah marka ay ka shaqeynayaan ragguna ay tahay ineyba ka fogaadaan.

Fekerkan labo-bogleynta ah waa kan keenay in xataa dumarka Soomaalida qaarkood ay raggooda kula diriraan marka ay jikada u dhawaadaan ama ay damcaan iney cunto kariyaan. ” Iga soo bax, iyo qodqode miyaad tahay, maxaa jikada ku dhex geeyay’ ayaa ka mid ah hadallada ay maqlaan ragga marka ay jikada soo fiiriya is yiraahdaan.

Waxaad arkeysaa reer dhan oo odaygii iyo wiilashii qaan-gaarka ahaa ee reerku ay hurdayaan oo gabar yari kaligeed soo jeeddo waaberigii, iyadoo indhaha qaac ka galayo, si ay u diyaariso cuntadii ay cuni lahaayeen raggaas hurdayaahi. Walibana ay dhici karto in ay canaantaan oo haruufaan marka ay la dhici waayaan sida ay wax u karisay, iyadoo haddana aan waxba hagran huradadiina loo diiday. Jawaabta kaliya ee ay bixisana waxay tahay in ay indhaha ka fiiriso oo iyadoo xishooneysa ay iska aamusto.

Waxaa dhacda in wiil iyo gabar hal qoys wada dhalay oo iskuul wada dhigta, in gabadhu soo hor kacdo oo quraacdii reerka oo uu wiilku ku jiro ay kariso, dabadeedna ay si hal-haleel ah dharkii iskuulka inta gashato ay ay sidaa ku aaddo. Haddhow markii laga soo daayana howsha ugu horreysa ee ay qabato ay noqoto in inta ay buugaagteedii ay sariiraa ku tuurto ayna calalkii saakay ay jikada uga tagtay gashato, oo ay billowdo iney qadaddii kariso.

Marka ay intaas oo howl ahi ku dhaceyso gabadha, iyada walaalkeed iskuula kala yimid intuu qabeystay ayuu dharkii iska baddalay oo sariirata isku dhacadiidiyay. Ka bacdina markii qadada loo keenay ayuu xoogaa hurdo qeyluushaday, oo intuu galabkii soo kacay labbistay casiryo cabay, saaxiibadii raacay oo baashaal u baxeen. Halka gabadhii walaashiis ahayd ay wali ku dhex dhidideyso jikada dhexdeeda iyadoo ku mashquulsan iney kariso cashadii reerka. Dhaqidii alaabta iyo nadiifintii jikaduna ay usii dheer tahay.

Waxaa la is weydiin karaa; dhaqankii hore meeshiisa haba ahaadee maxaa qasbaya in gabdhaha jikada lagu kaliyeeyo oo ay dusha u ridato howsha jikada oo dhan. Ma iney dheddig tahay darteed oo aan xaniinyo ka laad-laadin ayaa qiil looga dhigayaa.

Gabadha qoraaga ah ee reer Nigeria Chimamanda Ngozi Adichie ayaa laga soo xigtay inay tiri: ” Aqoonta cunto-karintu ma ahan wax ay gabdhuhu caloosha hooyadood kala soo bexeen oo dheddignimda ku laran”

Rag badan oo saaxiibadey ah oo aan weydiiyay xiriirka ay la leeyihii jikada guryahooda, waxay i siiyeen jawaabo isu dhow dhow oo ah ineysan war badan u heynin waxa ka socda meeshaas. Mid baa igu yiri “walaalow mowduucaas iga xir”. Waxaan u fahmay in ay la tahay in ragannimadiisa aan u gafay.

Haddaba, intee ayay la eg tahay nisbada ragga Soomaaliyeed ee iyadoo aan duruufi ku kallifin, oggol in ay inta jikada galaan reerkooda cunto u kariyaan, xaaskiisuna nasato, ama ha huruddo ama musalsal-ka ay jeceshaay ay ka fiirsato TVga, ka bacdina uu ina cuntada u soo guro soo hordhiga. Haddii dhacdo iney ku tiraahdo cusbada ayaad ku badisayna isgaoo deggan ugu jawaaba “Raalli ahow xabiibti, waa iiga fakatay”

Marka cuntada la cuno waxaa ku xigta howl kale oo aan ka yareyn karinteedii oo iyadana gabdhaha lagu kaliyeeyay. Waa dhaqidda alaabta iyo nadiifinta jikada, soo aruurinta qashinka iyo soo daadintiisa. Waa howl iyadana aysan war u heyn ragga Soomaalidu ama aysan rabin xataa in ay ka hadlaan.

Waxay ila taahy in la gaaray xilligii rag badan oo soomaaliyeed ay tallaab u qaadi lahaayeen dhinaca jikada si ay dhab ugu ogaadaan waxa ka socda meeshaasi muhiimka ah, iyo dhibta iyo rafaadka ay ku jiraan hooyooyinkooda, gabdhaha walaalahood ah, iyo xataa gabdhaha shaqaalaha ka ah guryaha ay ku nool yihiin.

In howlaha dhibka leh ee ka jira guryaha loo kaliyeeyo dumarka waa dhaqan ay tahay in dib loogu noqdo, lagana doodo kaalimaha wiilasha iyo gabdhuhu ay ka qaadanayaan howsha guriga.

FG: maqaalkan waxaa lagu daabacay www.bbcsomali.com taariikdu markay ahayd 02 December, 2020

اترك تعليقًا

إملأ الحقول أدناه بالمعلومات المناسبة أو إضغط على إحدى الأيقونات لتسجيل الدخول:

شعار ووردبريس.كوم

أنت تعلق بإستخدام حساب WordPress.com. تسجيل خروج   /  تغيير )

Facebook photo

أنت تعلق بإستخدام حساب Facebook. تسجيل خروج   /  تغيير )

Connecting to %s